Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu ugu horreeyo Taliyaha Ciidanka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta ku haya deegaannada ka tirsan Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo dhawaan Ciidama ay la wareegeen.May be an image of 6 people and text

Advertisement

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku jira safarka uu ku jooga Degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, ayaa la filayaa in kulamo gaar ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle.

May be an image of 7 people

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa booqashada uu maanta ku tagay Degmada Aadan Yabaal ka dhigan tahay tii labaad ka gadaal markii Al-Shabaab laga wareegay Magaalada oo u ahayd mid muhiim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here