Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee xakameynta iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee qeybta ka ah, in ay la yimaadaan aragti mideysan iyo xalka dhibaatooyinka ay sababaan isbeddelka cimillada, kuwaasi oo lagu soo bandhigi-doono Shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka.  Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiika Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Advertisement

“Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay, taasoo ay sabab u tahay roobabkii oo yaraaday iyo wabiyadii dalka oo biyo yareeyay,” ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa kormeerey xarunta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo uu ka dhacayay shirka, waxuuna bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Wasaaraddu muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

Previous articleXildhibaan Cabdirmaan Cabdishqkuur Waxaan cambaaraynayaa rasaasta la huwiyey mudaaharaadkii
Next articleDowladda Soomaaliya oo sheegtay in soo dhaweyneyso Xubnaha ka imaanaya Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here