Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey  Wasaaradda Korontada iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa  si faah-faahsan Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii  Xukuumadda ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah.

Advertisement

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyey masuuliyiinta wasaardda in mashruucdyada tamarta iyo biyaha ee ay maalgaliyaan hay’adaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo  tilmaamay in Xukuumadda ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan  biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey mas’uuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada laga wareegay AL-Shabaab la gaarsinayo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen.

Previous articleAgaaasimihi hore Hay’adda Socdaalka Koofi oo maqaal dhinac waliba taabanaya ka qoray Kooxda Villa Somalia
Next articleWasiir Doodishe oo Agaasime KMG ah u magacaabay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here