Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed  in ay u dhintaan daryeel la’aan caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka, ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada laga saaray Al-Shabaab geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo aadaya xilli dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Al-Shabaab lagala wareegay degaano dhowr ah, kuwaas oo dowladda aysan weli gaarsiin adeegyada caafimaad oo ay dadka ku baahan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here