Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey kulanka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Soomaali Heshiis ah, ayaa warbixino ka dhagaystay Wasaaradaha ka midka ah Tiirka Soomaali Heshiis ah waxyaabihii uga qabsoomay qorshayaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradaha qaybta ka ah Tiirka in ay dadar-galiyaan qorshayashii Xukuumadda, isla markaa bulshada u soo bandhigaan waxqabad muuqda oo lagu qanco saldhigna u tahay Halbeegyada mudnaanta u leh xukuumadda #DanQaran ee Tiirka Soomaali Heshiis ah sida Dhamaystirka dib u eegista Dastuurka, Dimoqraadiyaynta iyo Dardargalinta Dowlad wanaagga iyo Hiigsiga Xukuumadda ee hirgalinta dowladnimo u dhaw shacabka.

Advertisement
Previous articleXabbad-joojin cusub oo mar kale looga dhawaaqay Dalka Suudaan
Next articleGudoomiye Cali Jeyte oo sheegay in Gobolka Hiiraan uu isaga baxay Maamulka Hirshabeelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here