Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii dadka badan ku dhinteen ee Soobe.

Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KM5 iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka.

Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

  1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye
  2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin
  3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin
  4. Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Xubin
  5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin
  6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin
  7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha Xafiiska RW Xubin
  8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin
  9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin
  10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC Xogheyn

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

  1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii shalay oo taariikhdu aheyd 29/10/2022 ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
  2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.
  3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
  4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka

5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here