Raysal wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in si nabad ah lagusoo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay inuu la xiriiray qaar kamid ah isimada Puntland, isagoo sheegay inuu ku booriyay in nabada la xoojiyo, islamarkaana wax kastoo khilaaf ah lagu xalliyo wada hadal.

Advertisement

Dhinaca kale, raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Somaliland inay joojiso madaafiicda ay ku garaacayso magaalada Laascaanood. Raysal wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay arrin nasiib darro ah in shacabka si joogto ah loogu garaaco hoobiyayaal.

Raysal wasaare Xamse wuxuu ugu baaqay Somaliland inay ciidamadooda ka saaraan goobaha ay ku sugan yihiin , ayna aqbalaan baaqyada kasoo yeeraya bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Wuxuu sheegay in wax kaste lagu dhameeyo wada hadal, si loosoo afjaro colaadda oo uu ku tilmaamay inay tahay nasiib darro inay sii socoto.

Previous articleVilla Somalia oo war kasoo saartay Shirka mucaaradka iyo Madaxweynaha
Next articleTurkiga oo Aqbalay in Sweden xubin ka noqoto NATO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here