Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Dowlad-Goboleedka Puntland uga digay in ay caqabad ku noqoto qorshaha deyn Cafinta Soomaaliya isla markaana ay Dowladda Federaalka kala shaqeyso ka gudubka shuruudaha la hordhigay.
Arrinta deyn cafinta Soomaaliya ayuu tilmaamay in geed dheer iyo mid gaaban loosoo koray iyada oo Soomaalida la hordhigay Shuruudo kala duwan oo 90% la dhammeeyay inta harsan ay qorsheynayaan sidii loo dhammeystiri lahaa waa sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa Dhammaadka Sanadkaan 2023 rajeeyay in Soomaaliya laga cafiyo Deynta lagu leeyahay balse waxa uu ka digay in DG Puntland ay sabab u noqoto in deyntaas la cafin waayo.
“Kawarrama Wadashaqeyn yar oo shir la isugu yimaado oo DG Puntland la waayay haddii ay sababto in aan deynta Soomaaliya laga cafin waxaa mas’uuliyaddaas qaadanaya madaxda Dowlad-Goboleedkaas” ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre.
Waa uu soo hadlay waxaana uu yiri RW Xamsa Cabdi Barre waxaana uu yiri: “Waxa aan u sheegayaa Dadka Soomaaliyeed ee Reer Puntland gaar ahaan Bulshada Rayidka, Isimada, Siyaasiyiinta & qaybaha kala duwan ma mudnidiin in la idin dhaho deyn cafiska Soomaaliya waxaa fashiliyay Puntland, deyn cafintu ma ahan Siyaasad, ceybtaas hasoo jeedinina oo wixii aan soo sameynay oo dhan tacab khasaar haka dhigin”.
Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Madaxda DG Puntland hortaagan yihiin in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada gaar ahaan Macalimiinta, Ciidamada & howlaha kala duwan ee mashaariicda lagu gaarsiinayo deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.
Waxa uu soo jeediyay in la kala weeciyo siyaasadda iyo horumarka laga shaqeynayo in aanay u dhicin isku Milan danaha gaarka ah iyo midda guud oo ah labo arrin oo isdiidaya waa sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.
Dhalinyarada Puntland waxa ay Dowladda Federaalka xaq ugu leeyihiin in ay shaqo ka helaan, waxa aan diyaar u nahay ku dhawaad 400 aan howlgelino oo aan mushaar siino oo Waxbarashada Puntland Micno kusoo kordhiyaan laakiin waala hortaagan yahay, Dhalinyaradu waa in loo ogolaadaa in ay shaqeystaan, Marka aan codka ka rabno mawaxaa leenahay waad fiican tihiin marka kalena shaqooyinka miyaan ka hor istaageynaa” RW XFS Xamsa Cabdi Barre.
DG Puntland ayaa horay u sheegtay in ay hakisay wadashaqeynta Dowladda Federaalka balse Madaxweynaha JFS & Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa labaduba madaxda Dowlad-Goboleedkaas ugu baaqay in danaha gaarka ah iyo midda guud la kala saaro.



