Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay Ciidamo Booliis ah geysay Deegaannada dhowaan laga qabsaday ‘AS’ halka uu socdo abaabul kale oo Ciidan nabadsugid ah lagu gaarsiinayay Deegaannadaas.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshahaan uu qayb ka yahay sii socoshada howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay joogaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Maxkamadaha, Adeegyada Bulshada & dhammaan howlaha looga baahan yahay Dowladda Federaalka la geynayo deegaannadaas si Shacabka looga faaiideeyo.

“Meelaha aan u bixiyay dib u dejinta ee adeegyada Dowladda aan gaarsiineyno waxa aan u dejiyay qorshe lagu gaarsiinayo Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Garsoorka & Adeegyo kala duwan, Aadan Yabaal oo ah Degmo weyn waxaa geynay Ciidamo Booliis ah, waxaa socda diyaarinta Ciidanka Nabadsugidda, sidaas oo kale deegaannada kale waan geyn doonnaa Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda” RW XFS Xamsa Cabdi Barre.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in uu jiro isla xisaabtan Dowladda dhexdheeda ah, waxa uu shaaciyay in la xiray Ciidamo Dowladda katirsan oo loo heysto weerarkii ‘AS’ ku qaadday Hotel Villa Rays oo ku dhow Madaxtooyada qaranka 28kii November 2022.

Xamsa Ma sheegin Ciidankaas qaybta ay katirsan yihiin, tiradooda & meelaha sida gaarka ah ay uga soo geli karaan kiiskaan sida in lagu tuhmayo fududeynta weerarkaas, in ay kasii daayeen baraha Hubinta & waxyaabaha kale ee tuhunka dhalin kara.

“Ciidamadii shaqada ku jiray oo dhan way xiran yihiin baaris ayaa ku socota, waxa aan ku celinay in baaritaan dhab ah laga gaaro, shaki kuma jira in ay shaqeeyaan Ciidamada ammaanka Dowladda, Magaalada Muqdisho waxa aan u baahanahay in aan go’aan ku gaarno in aysan nagu dhex noolaan nimankaas, maalinba taagba taag ayaan u toosineynaa” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegtay in howlaha horyaalla uu ugu weyn yahay sugidda nabadgalyada, si wax looga qabto falalka liddiga ku ah la dardargeliyay Ciidamada ammanka oo isla xisaabtan lala daba-joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here