Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiye ku xigeenkii Hay’adda (Faya-dhawrka) Taya-Dhawrka Soomaaliyeed, Caydaruus Macalin Xasan, waxaana loo magacaabay Xaawo Axmed Xasan oo ah xaaska mid kamid ah wiilashada Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay isku jifo-hoosaad kasoo jeedan.

Raysalwasaare Xamse ayaa isbedelo ku sameeyey saacadihii lasoo dhaafay meelo kale duwan oo ah Hay’addaha dawladda, iyadoo dhammaan wareegtooyinkan si hoose loogu sheegay dadka la magacaabay.

Sikastaba ha ahaate xaaladda xil ka qaadista aya kuso aadeyso xili aan la shaacin waana laga baqayaa in ay ka dhalato xasaasiyad siyaasadeed iyado an ogahay in qabiil kasoo qayli doona xil ka qaasta la sameeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here