HomeWarkiiSaacid Shirdoon " waxaan ka digayaa 1991-dii wixii dhacay wax ka sii...

Saacid Shirdoon ” waxaan ka digayaa 1991-dii wixii dhacay wax ka sii daran

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)- Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa caawa hadal uu ka jeediyay soo xiritaankii Shirka Kismaayo wuxuu ka digay inay dhacdo sidiI dagaaladii ahliga 1991-dii oo kale ama ka sii daran sida uu warka u dhigay.

Doorashada oo waqtigeeda ka dib dhacda ayuu ku macneeyay inay keeni karto dowlad la’aan iyo wax ka daran wixii dhacay 1991-kii.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay Dowlad la’aan na dhaxalsiin karto musuq maasuqa lagu sameeyo hantida qaranka isago si gaar ah u xusay in dhaqaala kasta oo Dowladu leedahay ay tahay inuu soo maro Wasaarada maaliyda.

“Jeebka dowladda waa Wasaaradda Maaliyadda, jeeb kale ma lihin. Wax alla wixii aan Wasaaradda Maaliyadda marin waa xaaraan.”ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 

DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -