
DHUUSA-MAREEEB (DANIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goor dhaw mar kale lagu dortay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) .
Masuulkaan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowlada Somalia ayaa la soo sheegayaa in loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, kursiga waxaa dhawaan iska casilay Ganacsade Maxamed Cabdi Afweyne oo horay ugu fadhiyay, taas oo sababtay in dib loo qabto doorasho lagu buuxinayo.
Saadaq Joon oo hore xildhibaan u ahaa ayaa iska casilay markii laga dhigay Taliye ku xigeenka Hay’adda NISA inkastoo uu mar danbe isaga tagay xilkaasi.
Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 ee Golaha Shacabka.
“Waan ku faraxsanahay inaan mar labaad ku soo noqdo Golaha Shacabka,waxaana diyaar u ahay inaan qabto shaqada ay dadkeyga ii dirsadeena”ayuu yiri Saadaq Joon
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
