Madaxwaynaha DDO Obbo Shimellis Abdisa, oo waraysi siinayay FBC ayaa waxa uu sheegay in TPLF ay tahay mid raadinaysa 3 shay, cidkasta oo sadexdaa shay aqbashana waxay utahay saaxiib dhaw.

1. TPLF waxay raadinaysaa Fardo ay rarato oo aan dareemin diihaalka culayskeeda iyo dulaysiga dusha ka saaran.

2. TPLF waxay raadinaysaa cidkasta oo ogolaata inay xaqiijiso saraynta kooxdan iyo dulaynta inta kale ee bulshada.

3. TPLF waxay raadinaysaa cidkasta oo aqbasha inay hoos fadhiisato nolosheeda iyo sharafteedana fasax uga qaadata.

Madaxwayne Shimellis, ayaa intaasi ku daray in TPLF aysan gaadhi karin deegaanka Soomaalida, Deegaanka Oromada iyo deegaan kale midna, hadii aysan haysanin Fardo ogolaada xamilana culayska iyo dulaysigeeda.

Sdm
Hassan Awliyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here