XIDILUMASIYNASHO BBC SOMALI=

Xasan iyo Farmaajo

Advertisement

Guud ahaan, nidaamka xisbiyada-siyaasadeed ee dunidu wuxuu qeyb ka ahaa dimoqraadiyadda, wuxuuna soo maray heerar kala duwan.

Waxaa jiray waqti ay cod lahaayeen inta hantida leh bulshada, marka laga reebo haweenka. Dadka saboolka ah looma oggoleyn inay ka qeyb-galaan siyaasadda.

Sidaa darteed, waxaa dunida ka curtay dhaqdhaqaayo u dooda haweenka iyo dadka saboolka ah si ay uga qeyb-galaan siyaasadda.

Xisbiyadaasi waxay abaabuleen dadkii ka maqnaa nidaamka siyaasadda, waxaana soo baxay dhowr nooc oo xisbiyo ah: Kuwa ku saleysan afkaar; kuwa ku saleysan sinji, qabiillo iyo gobollo; kuwa u dooda deegaanka; kuwo wadaninimo sheegta iyo kuwa u dooda dadka shaqaalaha ah.

Nidaamka Xisbiyada

Culumada ku taqasusay siyaasaddu waxay ku qeexaan nidaam-xisbiyeed hadba “inta xisbi ee ku jirta siyaasadda uu dal leeyahay.” Waxaana loo qeybiyaa saddex nooc oo waaweyn.

Kow, waxaa jira dalal leh hal xisbi (single party system) oo aan oggoleyn xisbiyo badan. Inta badan, dalalkani ma ahan dalal uu nidaamkoodu yahay dimoqraadi, waxaana ka mid ah dalka Shiinaha.

Dalalka dimoqraadiga ah ee uu hal xisbi muddo dheer heystay (Koonfur Afrika), waxaa lagu macneeyaa inay weli heer kala guur ah ku jiraan.

Sidoo kale, waxaa jira dalal ay ka jiraan ama ay ka jiri karaan xisbiyo badan, laakiin ay laba xisbi oo kaliya xukunka qabteen. Ma jiro sharci u diidaya in muwaadiniintu ay sameystaan xisbi.

Laakiin waxa jira dhaqan keenay in ciddii siyaasad rabta ay labada xisbi midkood aadaan.

Waxaa ka mid ah Mereykanka iyo Ingiriiska iyo Canada. Ugu dambeyntii, waxaa jira dalal ay xisbiyo badan isku-baddaleen xukunka.Waxba kama dhaqangelin go'aamo badan oo ay soo-saareen baarlamaanka Soomaaliya

In kasta oo ay dowladnimadeennu cusub tahay, haddana wuxuu dalku soo maray heerar kala duwan. Xilligii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ilaa 1969, waxaa jiray ururro badan oo loo aqoonsaday xisbiyo.

Laakiin, waxaa dalka maamulayey hal xisbi oo ah Somali Youth League (SYL).

Xilligii maxmiyadda uu ku jiray dalku waxaa la oggolaa xisbiyo metela gobollo iyo qabaa’il. Laakiin, markii dambe waa la joojiyey in xisbiyadu adeegsadaan magacyada qabaa’ilka.

Hase yeeshee, weli way jireen xisbiyo ku salaysan qabiillo oo magacyo qabiil aan lahayn. Waxaa mar walba sii kordhayey xiisaha ay dadku u qabaan siyaasdda. Tusaale, sida uu Maxamed Ciise Turunji qoray, doorashadii 1964 waxaa ka qeyb galay 21 xisbi.

Laakiin, doorashadii ugu dambeysay ee dalka ka dhacday 1969-kii waxaa ka qeybgala 64 xisbi. Markii ay dhamaatay doorashaduna waxay xildhibaannadii kuraasta soo helay ku biireen xisbigii weynaa ee SYL marka laga reebo Cabdirizaaq Xaaji Xuseen oo isagu ku adkeystay mowqifkiisa.

Dhanka kale, markii uu ciidanka xoogga dalku la wareegay xukunka, wuxuu dalka ku soo rogay nidaam-xisbiyeed ku saleysan hal xisbi. Waxaa muddo dheer dalka ka jiray Xsibiga Hanti-Wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

Xisbigan waxaa xoghayaha guud ka ahaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Garoonka siyaasaddu uma furneyn xisbiyo kale, mana la oggoleyn in xukunka lagu tartamo. Waana tan keentay in dadkii hanka siyaasadeed lahaa ay sameystaan jabhado la dagaallama xisbiga xukunka isku-koobay.

Markii ay rideen xukunkii militariga ahaa, jabhadadahaasi waa ay bateen, waana sameyn waayeen nidaam dowladeed.

Sidoo kale, muddo toban sano ah, waxay ku heshiin waayeen inay hab xisbiyo ah xukunka ku qeybsadaan. Shirkii ka dhacay Sodare (Ethiopia) ayay jabhadihii ka qeyb-galay waxay isla qaateen in habka qabiilka ee 4.5 lagu qeybsado awoodda siyaasadda.

Shirkii Carta (Djibouti) oo ay qeybaha kala duwan ee bulshadu ka qeyb-galeen ayaa lagu heshiiyay in nidaamka 4.5 si ku-meel-gaar ah loo hirgeliyo.

Iyadoo taasi jirto, haddana Soomaalidu waxay ku heshiiyeen in ay qaataan nidaamka xisbiyada badan.

Waxaana daliilka laga soo helayaa Axdi-Qarameedkii Dowladda-Ku-Meel-Gaarka ah ee lagu heshiiyey shirkii Carta (2000), Axdi-Qarameedkii Federaalka ee ay hoggaamiyeyaasha kooxaha iyo qabqablayaasha dagaalku ku heshiiyeen ee ka dhacay Kenya 2004 iyo Dastuurka Qabyada ah ee aan hadda heysanno oo la sameeyey sanadkii 2012.

 

Previous articleQarax Caawa lala eegtay Goob Gancsi
Next articleMac-hadka SORDI oo soo bandhigay Cilmi baaris la xiriirta Caafimaadka Hooyada & dhallaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here