Maxamed Cabdullaahi Farmaajo; oo muuqaal uu soo duubay ku shaaciyey in uu mar kale musharax u yahay xilka madaxweynaha JFS ayaa maanta isu diiwaangeliyey islamarkaana qaatay aqoonsiga Musharaxnimada, haddaba waxa jira xildhibaan waxaa jira 9; sabab oo aan madaxweynihii hore ee dalka aan loo dooran karin, loo siin karin cod mar kale looguna aamini karin hoggaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed

  1. Ballan la’aan: Farmaajo; sida lagu bartay muddo 5; sano iyo dheeraad ah waa siyaasi ballan la’aanta ku caan baxay oo aan marna ka sarriigan kana xishoon ku dhaqanka ballan iyo wacad ka bixidda, tusaale ahaan ballamihii uu qaaday oo dhan waa ka baxay kamana cudur-daaran, taas oo ku tuseysa in uu weli ka bixi karo dhammaan wixii ballan ah oo uu galo, Ballan la’aan waa diin la’aan!
  2. Beenlow: Farmaajo; waa siyaasi been-sheegiddiisu badan tahay, wax walba ayuu ka been shegei karaa xitaa Amniga iyo Qorshaha qaranka, sidii dhacday 2018, sidaasna waxaa Saxaafadda u sheegay la taliyihiisii hore ee Amniga Qaranka Xuseen Macalin; oo ka tegey shaqadaas kaddib markii uu arkay dhaqankaas.
  3. Qaa’in: Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayuu u dhiibay Jamhadda xoreynta Tigry, waxa uu u gacan geliyey Hailemariam Desalegn; ra’isalwasaarihii hore ee Itoobiya, isaga oo muujinayey sida baarriga ugu yahay Itoobiya, isaga oo ku beddelanayey ciidan iyo awood uu u adeegsado burburinta hannaanka Federalka oo Soomaaliya ku heshiisay 2000; xilligii Carta, muwaadiniin kale waa u dhiibi karaa dalalka Shisheeyaha haddii ay dalbadaan isaga oo leh awood fulineed, Afar dekedood ayuu ka iibiyey Itoobiya
  4. Keligitalis: Ra’isalwasaarihiii uu sheegay in uu isaga ka wanaagsan yahay ayuu u eryey oo keli ah in uu ku khilaafay qabashada doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, sida uu ula dagaalay qof walba oo doorasho ka hadla, Kaddibna markii uu dhammaaday muddo xileedkiisii ayuu iskudeyey in uu si xoog ah u  kororsado
  5. Dhagarrow: Waxa uu ku dhaqmaa dhagar iyo xeeladeysi, sidii uu shaaciyey guddoomiyaha Aqlaka sare Cabdi Xaashi; waa sheekadii caanka ahayd ee “I suga aan soo kaadshee”
  1. Dilaa: Qof walba oo ka horyimaada ama aragtidiisa dhalliila in uu dilo ayaa ka go’an sidii uu yeelay December-2017; kaddib markii uu ciidan u adeegsaday weerarka gurigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur; haddaba ogow haddii uu awood helo mar kale ayuu dad badan xasuuqi karaa! feejignow
  2. Musuq-maasuq: Guddiga Miisaaniyadda ayuu kaladiray 2018; isaga oo adeegsanayey guddoonka golihii shacabka ee 10aad, 50; Milyan oo boqortooyada Sucuudigu ugu deeqday Soomaaliya oo keli ah 10; Milyan ayaa lagu shubay Qasnadda dowladda, xukuumaddiisuna ma sameyn xisaab-xir muddo 3; sano ah, 7; Milyan oo heshiis shidaal ah ayuu u qaatay iyada oo hanti-dhowruhu ku sheegay Sharci-darro
  3. Lama aamini karo: Saaxiib siyaasadeed ma laha, oo keli ah waxa uu ka faa’iideystaa daacadnimada dadka, sida uu ku sameeyey taageerayaashiidii Baarlamaanka kuwaas oo dhammaantood sheegay in uu dhabarka ka jebiyey
  4. Caddaalad-darro: Eedeysanayaal loo heysto dacwado ciqaab ah iyo ku lug lahaanshaha dil ayuu dallacsiiyey isaga oo adeegsanaya awoodda dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here