HomeWarkiiTaliyaha Booliiska Mombasa oo ka hadlay dhacdo naxdin leh oo ay ku...

Taliyaha Booliiska Mombasa oo ka hadlay dhacdo naxdin leh oo ay ku dhintee Gabdho Soomaliyeed 

Mombasa police boss Peter KimaniMOMBASA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalo xeebeedka Mombasa ee Dalka Kenya ayaa sheegaya inay hakaasi ku geeriyoodeen laba gabdhood oo aan wali qaan-gaarin xili ay gurigooda ku sugnaayeen.

Gab-dhahaanmagacyadooda lagu kala sheegay Caa’isha Maxamed oo 13 jir iyo  Xamdi Maxamed oo  8 jir ayaa la sheegay inay isla dhasheen oo walaalo ahaayeen waxaana dhacday inay dhinteen iyagoo dabaalanaya.

Sida uu sheegay Taliyaha booliiska Mombasa Peter Kimani,Caruurtaan maalintii arbacadii waxay ku jireen fasax ,baashaal iyo guri joog balse musiibada ayaa dhacday markii aabihii caruurta dhalay uu guriga ka baxay isagoo rabay inuu caruurta oo dhan qado banaanka uga soo iibiyo madaama xiligaasi duhur ku dhawayd.

Aabaha wuxuu hore u sii watay sedex caruurta ka mid ah halka inta kale iyo hooyada ay guriga ku sugnaayeen balse waxaa dhacday in Caa’isha iyo Xamdi ay galeen barkad biyo ay ku jieen ee lagu dabaasho  taasoo guriga ku dhex sameysneyd  si ay ugu dabaashaan.

Nasiib xumo labada gabdhood oo loo maleynayo in midkoodna dabaal aqoon ayaa biyihii ku qarqamay ama ku haftay , markii la ogaaday oo laga soo saarayna waxaa loo qaaday isbitaal halkasoo dhaqaatiirtu cadeeyeen in labada gabdhood-ba geeriyoodeen sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha booliiska Mombasa Peter Kimani.

Kadib dhacdada Aabaha ayaa waxaa soo wacday xaaskiisa isagoo weli ku sugan hotel u dhow gurigooda, waxayna ku wargelisay dhacdadii, taasoo ku kalliftay inuu degdeg ugu noqdo aqalka.

Ehelka gabdhaha iyo dadweyne kale ayaa tagay guriga qoyska gabdhahaasi si ay ugu tacsiyeeyaan,mana aha markii ugu horeyay oo dad Soomaali ah ku dhintaan Magaalad Mombasa xili ay dabaal iyo dalxiis u tageen.

Taliyaha Booliiska Mombasa Peter Kimani ayaa codsaday in la daryeelo caruurta inta lagu jiro xilliga fasaxa.

XAFIISKA WARARKA SIYASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -