No description available.

JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida Nabadoonada Beesha Moobleen Cusmaan oo ka mida Beel-weynta Muddulood ayaa xalay lagu dilay Tuulo dhacda duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Dilka Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey  Xasan Cali Muude ayaa waxaa ka soo baxaya warar dheeraad ah kuwaasoo sheegaya in gacan ku dhiiglihii dilay isna markiiba la dilay oo ay ahku qahuur wada yihiin.

Advertisement

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gacan ku dhiiglaha la soo adeegsaday islamarkaana inuu Nabadoonka dilo lacag lagu soo siiyay.

Waxaa jira arimo u dhexeeya Beesha Moobleen dhexdooda taasoo salka ku heysa arimo siyaasadeed,waana  sababta keentay in gacan ku dhiiglaha dilay oo ahaa darawalka Nabadoonka isaga loo soo adeegsado sida wararku tilmaamayaan.

Nabadoon Xasan Cali Muude Allaha u naxariistee waxaa la sheegay inuu ahaa Nabadoonkii soo doortay Xildhihaanka Beesha Moobleen ku matala Baarlamaanka Soomaaliya Xildiibaan Craxman Maxamed sheekh.

No description available.

 

Maleeshiyaaad ku heyb ah Nabadoonka ayaa video ka duubeen wareysi kooban ay ka qaadeen gacan ku dhiiglaha dilay Nabadoonka oo markii danbana ay dileen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

No description available.

Previous articleC/raxman C/Shukuur ” Waa ayaandarro wayn in Wasiir  uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed”
Next articleAskari goor dhaw nin dhalinyaro ah ku dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here