HomeCiyaarahasababta uu Eberechi Eze u diiday Tottenham una doortay Arsenal oo la...

sababta uu Eberechi Eze u diiday Tottenham una doortay Arsenal oo la ogaaday.

XIGASHO LAACIB.NET

Daaficii hore ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur, William Gallas, ayaa sharaxay sababta uu khadka dhexe ee Crystal Palace, Eberechi Eze, u doortay Arsenal halkii uu ka tegi lahaa Tottenham.

Eze, oo haatan qarka u saaran inuu ku biiro Arsenal, ayaa lagu soo waramayaa inuu horay heshiis shaqsi ah ula gaaray Tottenham, balse go’aankiisa dambe wuxuu noqday inuu ku biiro kooxda Waqooyiga London ee Arsenal.

Arsenal ayaa habeenkii Arbacada heshiis 67.5 milyan ginni ah la gaartay Crystal Palace si ay u hesho saxiixa Eze, waxaana la filayaa in ciyaaryahanka heerka caalami ee England uu saacadaha soo socda maro tijaabada caafimaadka.

Gallas ayaa sheegay in go’aanka Eze uu ku salaysan yahay rabitaankiisa ah inuu ku guuleysto koobab: “Haddii aad tahay Eze, ma rabi laheyn inaad ka tagto Crystal Palace – halkaas oo aad ahayd ninka ugu weyn – si aad ugu dhaqaaqdo koox weyn haddii aadan heley  daqiiqado badan oo ciyaar ah,” ayuu yiri Gallas.

Wuxuu intaas ku daray:

“Xitaa haddii Spurs ay qaaday Europa League sannadkii hore, Arsenal sannadaha soo socda waxay u muuqataa meel aad fursado badan uga heli karto koobab. Eze wuxuu isku dayi doonaa inuu u helo naftiisa xalka ugu fiican.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -