GAROWE (DAYNIILE.COM)-Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland Sacidi C/laahi Deni uu qorsheynayo dhawaan inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada Puntland.
Wararkaani waxay intaasi ku darayaan in Saciid Deni qorsheynayo sida la filaayo inuu wasiirada qaar iyaga xilalka u kala badalo halka kuwo cusubna lagu wado inuu keeno, halka kuwa hada xil hayana laga yaabo inay gabi ahaanba ka baxaan golaha wasiirada Puntland.
Lama oga in wasiirada la eryi doono inuu ku jiro Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo dhawaan hadalo gaf ku ah ku yiri Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre sida in shaki ku jiro dhalashada reerka uu ka soo jeedo inkastoo dadka qaar aaminsan yihiin in afka Puntland oo dhan uu ku hadlo wasiirka.
Dhanka kale wararkaani hoose ee sheegaya isku shaandheynta wasiirada ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xili Saciid Deni uu isugu yeeray Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka si xaalada xligaan ee Puntland uu kala hadlo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DANIILE.COM
