Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka hadlayay magaalada Garowe ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday in ay ku jirto Mareexaan Jacayl oo uusan Rabin Somali.

Waxa uu sheegay Deni in Farmaajo uu Rabo in uu Mareexaan ahaan u Xukumo Gedo, waxa uuna sheegay in uu leeyahay Farmaajo dhaqanka shabaab oo kale.

“ Waxaan Filaa in aysan waxba u dhaxaynin Al-Shabaab iyo madaxdweynaha xilkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, marka loo eego dhinaca Tala Xumada iyo Madax adeega”ayuu yiri mar kale Deni.

 

Saciid Deni oo arrimo badan kafishay ayaa si cad u shaacay in Farmaajo uu ku qabsaday sababta ay ula kulmeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, maadaama buu yiri aan aniga idiinku casuumay Muqdisho.

“Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye, anigaa idiin casuumay, haddaanu imid caasimadii dalka, oo weliba ha la is xantee qabaa’ilka Hawiye xuduntiisa tahay, ma waxaa leedahay ha arkinina, oo ha-kala xaajoojina xalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed aanu kala irdhoobin, waxaan iri taasi suuragal ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale Deni ayaa sheegay in xitaa marka ay tagaan Villa Somalia ay ka baqi jireen in raashinka sun loogu daro, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab miyaan ka baqnaa mise Villa Somalia, sababtoo ah waxyaabaha ay adeegsanayaan wax farqi ah uma dhaxeeyaan, mar walbana khatar ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ugu horyimaadaan in wadanku ku laabto nidaamkii kali-talisnimo ee laga soo gudbay 30 sano ka hor, iyadoo laga fogaanaayo qabiileysi iyo in dalku dib ugu laabto burbur iyo nidaam daro.

 

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here