HomeWarkiiSaciid Dani oo kulan xasaasi ah la qaatay Beesha Warsan-geli Daarood+SAWIRRO

Saciid Dani oo kulan xasaasi ah la qaatay Beesha Warsan-geli Daarood+SAWIRRO

Boosaaso: 20 August 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, ayaa kulan la qaatay Wafdiga Dhaqanka ee Gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari oo ay hoggaaminayaan Isimada dhaqanku, iyadoo ay Shirka ka qeybgaleen Isimada dhaqanka, Cuqaasha iyo xubnaha Goleyaasha Dowladda ku metela Gobolladaasi.

Shirka ayaa looga hadlay adkeynta midnimada, wadajirka, difaaca Dowladdnimada Puntland iyo deegaannadeeda iyo dhameystirka Hawlgalka Calmiskaad ee Hillaac iyo u diyaargarowga Hawlgalka Onkod ee Argagixisada Alshabaab looga sifeynayo buuralayda Calmadow.

Dowladdu waxay Dhaqanka iyo waxgaradka ka dhegaysatay sidii loo xallin lahaa tabashooyinka dadka deegaannadaasi qabaan ee dhinacyada horumarka iyo xilalka Dowladda.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolladaasi sida dhameystirka Wadada Ceeldaahir – Ceergaabo iyo hirgelinta mashaariic cusub oo ku imanaya baahiyaha deegaanka, waxaana Shirka uu socon doonnaa muddo saddex maalmood ah.May be an image of 6 people and text that says "é•· OF"May be an image of 1 personMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 9 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 9 people, hospital and text that says "VIP ENTRANCE"May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 8 peopleMay be an image of 3 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -