Awaamiirta Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Danni ayaa si caadi ah uga shaqeyneysa deeganada Puntland kadib markii maalmihii ugu danbeeyay arintu u ekeyd in lala maamalayo Puntland.

Kooxaha siyasiyiinta ee mucaaradka ku ah Madaxweynaha puntland oo ka faa’iideysanaya waqtiga kala guurka ayaa dhawaan waxay la wareegeen maamulida Xarunta Baarlamaanka oo ah halka shaqada ugu badan ay ka socoto, balse xalay saq dhexe ayuu Saciid Dani ku guuleystay inuu la wareego amniga Xarunta Baarlamaanka.

Advertisement

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland oo  dhawaan uu soo magacabay saciid Danni ayaa saaka xarunta Baarlamanka waxay kaga dhawaaqeen in ay si rasmi ah u shaqa bilaabeen tan iyo markii la soo magacaabay  afar maalin ka hor.

Guddiga ayaa isla maanta daboolka ka qaaday  jadwalkooda shaqo iyo shuruudaha laga rabo qofka doonaya xubinta xildhibaanka Baarlamanka lixaad ee dowladda Puntland,sidoo kale waxay shaaciyeen inay bilaabatay qabashada araajida dadka raba inay noqdaan xildhibaanada Puntland.

War qoraala oo ay ka soo saareen kulankooda maanta ayay ugu danbeyn ku sheegeen in qabashada araajida ay ku egtahay 25-ka bishaan,sidaas oo kalana 31-ka isla bishaana lagu dhawaaqi doono Xildhibaanada cusub ee soo dooran doona madaxweynaha doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 8-da Janaayo 2024.



XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo saaka ku wajahan xaruntiisa iyo Dagaal laga cabsi qabo
Next articleDowlada oo shaacisay inay dalka ka baxayaan 3-kun oo ciidamada Atmis ka mid ah ka hor sanadka cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here