GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa Xildhibaanada Maamulkaasi warbixin siiyay kadib safar uu dalka dibiisa uga soo laabtay.
Saciid Deni ayaa intii uu warbixinta waday wuxuu soo hadal qaaday shir uu Kismaayo uga qeybgeli lahaa beri oo bishu tahay 10-ka December kaasoo ay leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradsan habka siyaasadeed ee ay ku shaqeyso Dowlada uu hogaamiyo Xassan Sheekh.
Shirkaan oo uu martigeliye ka ahaa maamulka Jubaland ayuu Saciid Deni cadeeyay inuu baaqday shirkaasi inkastoo uusan sheegin xili kale oo lagu badalay.
Saciid Deni wuxuu sidoo kale xaqiijiyay war shalay la isla dhex marayay oo ahaa in Kenya looga yeeray mucaradka Dowlada gaar ahaan Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Mucaaradka Madasha samatabixinta iyo labada Maamul ee kala ah Puntland iyo Jubaland.
DAYNIILE.COM
