GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Dani uu ka soo horjeedo mowqifka Isimada Puntland ee ahaa in xildhibaanada Puntland laga dhigo 49 xubnood.

Habeen hore ayay ahayd markii Isimada Puntland ku dhawaaqeen inay xal u arkaan in la ixtiraamo isimada SSC Khaatumo lagana saaro liiskooda Gollaha Wakiilada Puntland, sidaas daraadeedna xildhibaanada Puntland lagu soo reebo 49 xildhibaan madaama reer Khaatumo ka baxeen Puntland.

Advertisement

Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in Gudiga xalinta khilaafaadka Puntland ay  shaaciyaan liiska xildhibaanada Puntland xili khilaaf weyn uu ka taagan yahay tirada uu noqonayo baarlamanka Puntland.

Haddaba reer Puntland ayaa is weydiinaya mar kale ma tanaasuli doonaa Saciid Danni madaama hada la isku hayo tirada xildhibaanada oo noqoneysa mid ka mid ah caqabadaha ugu waa weyn uguna danbeeya sida la filaayo.

Caqabadahaan hadii laga gudbo Puntland waxaa loo rajeyanayaa inay si nadiif ku gali karaan doorashada balse hadii la isku qabto waxaa laga cabsanayaa inay keeni karto laba arin midood kuwaasoo kala ah dib u dhac doorasho ama iska hor imaad hubeyan.

Hadaba Go’aanka maanta laga filayo Gudiga xalinta Khilafaadka Puntland ayaa laga ogaan doonaa in Saciid Danni tanaasulay iyo inuu mowqifkiisa ku dagaalamayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleKhilaaf-ka xooggan ee soo kala dhex galay Kenya iyo Dr Congo maxay u dhimi kartaa Ganacsiga Soomaalida
Next articleDowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka daah furtay Warsheekh qorshaha dib u  heshiisiin ah+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here