Garoowe: 01 December 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa xariga ka jaray Isbitaal Cusub oo lagu magacaabo Soomaali European Hospital.
Hospital ka cusub ee caawa uu xariga ka jaray Madaxweynaha DPL, oo siweyn loo qalabeeyay ayaa Dabooli Doona Baahida Caafimaadka ee ka jirtay ka howlgali doona dhakhaatiir iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Isbitaalada ka jira Puntland ay dabooleen adeegyo caafimaad oo dadku baahida u qabaan, Balse loo baahanyahay in intaasi laga sii horumariyo, waxaana uu sheegay in ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay in Puntland laga hirgaliyo Isbitaal casri ah si looga maarmo in caafimaad loogu aado Dalka dibadiisa.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of hospital and text that says "SOMALI EUROPEAN HOSPITAL Pharmacy, Supermarket and Cafeteria. COMING SOON OPENING SOON HEALTHCARE THAT MEETS INTERNATIONAL STANDARDS"
May be an image of x-ray, hospital and text
Previous articleMaalinta AIDS-ka oo maanta laga xusay Muqdisho
Next articleWAR DEG DEG AH : Somalia oo Caawa laga qaaday cunuqabateyntii hubka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here