BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Sacidi Claahi Dani ayaa maanta ku wajahan oo u safraya Magaalada Dubai ee Xarunta Dalka Imaaraadka Carabta halkaasoo uu ku sii sugan yahay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Warar ku dhaw dhaw socdaalka SaciId Deni ayaa sheegaya inay u yeertay Dowlada Imaaraadka Carabka oo dhinacyo badan ka taageerta Maamulka Puntland xili magaalada Dubai uu hada ku sugan yahay Axmed Madoobe.
Dowlada Imaaraadka oo inta badan lagu xanto inay ka shaqeyso sidii ay hagar daameyn lahayd ama u daciifin lahayd awooda Dowlada Faderaalka Somalia ayaa dooneysa inay xaliso xurguf siyaasadeed oo u dhexeeya Maamulada Puntland iyo Jubaland si ay ugu midoobaan mucaaradnimadooda Dowlada Faderaalka Somalia.
Ujeedka socdaalka Saciid Dabi ayaa daaran in Imaaraadku dhex dhexaadiyo Jubaland iyo Puntland kadibna ay dalkooda ugu laabtaan iyagoo heshiisyo gaaray islamarkana isku mowqif ka ah inay fuliyaan danaha Imaaraadka carabtu ka leeyahay Somalia.
Dowlada Imaaraadka maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Kismaayo ka dejiyeen hub,rasasa iyo gaadiid dagaal oo ay ku taageerayaan Maamulka Axmed Madoobe oo dagaal uu kala dhexeeyo Dowada Somalia iyagoo isku haya gacan ku heynta Gobolka Geddo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
