Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulkiisa haddii uu ku guuleysto Tijaabada Doorashada Dadka Shacabka ee Qardho, Eyl & Ufeyn loosoo gudbinayo Deegaannada kale ee Dowlad-Goboleedkaas.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in haddii awoodda shacabka loo celiyo in ay ka dhalan karto mas’uuliyad iyo isla xisaabtan si meesha looga saaro xil isku dejinta aan waxba lagu qaban.

“Shacabku waxaa dib ugu soo laabanayo awoodda uu ku dooran karo Dadka ku metalaya Siyaasadda oo lala xisaabtami karo, waxaa meesha ka baxaya dhaxalka xafiisyada oo halkaan waxa aan ugu imid iyada oo la dhahayo qofkaan ku qor ehelkiisa ayaa ka dhintay booskaan sidaas ma aha Dowladnimo” ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha DG Puntland ayaa shaaciyay in is aragga Shacabka & Shaqsiyaadka Xildoonka ah uu kordhayo marka codka dhanka rayidka ah uu ku xiran yahay, waxaana uu ugu baaqay in laga fiirsado Dadka loo codeynayo.

“Doorashada Shacabka waxaa ku xoogeysanaya Amniga waayo waxaa dadka dhex soconaya musharixiinta, waa cusub ayaa u baryay Puntland oo Madaxda ayaa waqti badan ku bixinaya Shacabka si codkooda ay u weydiistaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Deni.

25-ka October 2021 oo ku beegan Berri waxaa Qardho, Eyl & Ufeyn ka dhacaya Doorashada Dadka rayidka ee Degmooyinkaas si loo tijaabiyo in Bulshada kale ee Deegaannada DG Puntland u dooran karaan cidda ay doonayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here