HomeWarkiiSaciid Deni muxuu kala hadlay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowlada+SAWIRRO

Saciid Deni muxuu kala hadlay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowlada+SAWIRRO

GAROOWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha dawladd Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Madaxtooyada Garwe wuxuu kula kulmay ioo ku  qaabilay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee Mucaaradka Dowlada kaasoo ay iskula jiraan Madasha Samatabixinta iyo Maamulada Puntland iyo Jubaland.
Sida ay shaacisay Madaxtooyada Puntland Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalku marayo iyo hawlaha hortabinta u leh Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed taasoo ku soo aadeysa xili Gudiga Farsamada Golaha Mustaqbalka uu maalmihii ugu danbeeyay ku shirsanaa Magaalada Garowe.
Gudiga waxay ka kooban yihiin 6 xubnood kuwaasoo shirkoodu uu salka ku hayo diyaarinta shir ay dhawaan Garowe ku yeelan doonaan Madaxda Golaha Mustaqbalka iyagoona isu diyaarinaya waqtiga kala guurka madaama ay doonayaan inay kursiga ka tuurtaan Madaxweyne Xassan inkastoo ay intooda badan kursiga wada rabaan islamarkaana mid kasta uusan wax u ogoleyn kan kale.
Mucaaradka waxay iskula socdan oo ku mideysan yihiin hal qodob waana inay kursga kula tartamaan Madaxweyne Xassan islamarkaana heshiis ku yihiin in Xassan Shekh uusan sii heysan hogaanka Dalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 
May be an image of daisMay be an image of one or more people, beard, suit, wedding and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, people smiling and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of daisMay be an image of one or more people, beard and suitMay be an image of one or more people, beard and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -