HomeWarkiiSaciid Deni oo amar ku bixiyay in ciidamada Puntland weeraraan ciidamo Faderaalka...

Saciid Deni oo amar ku bixiyay in ciidamada Puntland weeraraan ciidamo Faderaalka ka tirsan oo Gaalkacya ku sugan

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolla Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo maalmahaan danbe oo dhanba taagnayd markii Hogaamiyaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni uu amar ku bixiyay in ciidamada Puntland weerar ku qaadaan ciidamo Faderaalka ka tirsan oo asal ahaan isla reer Puntland ah.
Ciidamadaan Faderaalka Somalia ka tirsan oo tira ahaan la sheegay inay yihiin Kun Askari ayaa dagan xerada Istanbul ee duleedka Gaalkacyo waana guuto hoos tagta Milateriga Somalia gaar ahaan 54-aad oo dhanka Puntland ka howgala,waxayna sidoo kale xarumo ku leeyihiin Garowe.
Warar ayaa sheegaya in ciidamadaan Faderaalka u liis gareysan ee Saciid Deni weerarja ku yahay inay u badan reer ahaan Beesha Leylkase kuwaasoo mushaar ka qaata Dowlada Faderaalka Soomaaliya sida kuwa Garowe ku suganba u qaataan.
Hadii weerarkaani ay fuliyaan Daraawiishta Puntland waxay noqoneyaa markii ugu horeysay oo faderaalka iyo Puntland isku gacan qaadaan Gaalkacyo xili hore ay isaga hr imaadeen Boosaaso iyo Garoowe inkastoo khasaaruhu aad u yaraa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -