HomeWarkiiSaciid Deni oo caburin ku bilaabay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.

Saciid Deni oo caburin ku bilaabay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Punland ayaa sheegaya in Saciid C/laahi Deni oo ah Madaxweynaha Maamulkaasi inuu bilaabay caburinta ra’yiga siyaasiyiinta mucaaradka ku ah hab maamulkiisa.
Maanta waxaa looga dhawaaqay Magaalada Garowe inay mamnuuc tahay in shirar siyaasadeed lagu qabto iyadoon ogolaansho looga heysan Dowlad Goboleedka taasoo la micno noqon karta shir uusan Dani raali ahayn laguma qaban karo magaalada.

Warka ka soo baxay Maamulka Punland waxaa si gaar ah digniin loogu diray siyaasiyiinta mucaaradka ah iyadoo loogu mar marsiyooday inaysan ka tirsaneyn xisbiyada siyaasadeed ee ka diiwaan gashan Puntland.
Talaabadaani caburinta ah ayaa imaaneysa xili dhawaan Garowe iyo magaalooyinka kale sida Gaalkacyo ay ka curteen kacdoon looga soo horjeedo siyaasada Saciid Deni oo si gaar ah loogu eedeeyay dhul dan guud inuu ku takrifalay,sidoo kale talaabadaani ayaa imaaneysa xili dhawaan Garowe looga dhawaaqay gole mucaarad ah oo lagu magacaabo Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -