GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay xuska aas’aaskii Maamulkaani oo ku beegan maanta 27 guuradii ka soo wareegatay isagoo ugu horeyn shacabka Puntland ugu hambalyeeyay maalintooda 1-da Agosto.
Saciid Deni khudbadiisa wuxuu kaga hadlay arimo kale sida siyaasadda Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo eedeymo uu mar kale u jeediyay siyaasada Dowlada Somalia ee xiligan ay kula macaamileyso Puntland iyo Jubaland.
Saciid Deni wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dowladdii Soomaaliyeed ay abuurayso xaalado colaadeed xilli ay kooxaha xagjirku dhibaato ku hayaan bulshada Soomaaliyeed sida uu warka u dhigay.
“Qodobka ugu muhiimsan oo aan Dowlada Faderaalka halkaan uga soo jeedinayo waxa weeye siyaasada ay hada ku socoto oo aad moodo inay dalka u horseedeyso burbur aan laga soo waaqsan,inay di uga fiirsato, inay joojiso dagaalada ka socda Buulo-xaawo,doolow iyo meelaha kale”ayuu yiri Saciid Dani
Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay in Dowlada in dhamaan dagaalada ay wado aysan ahayn kuwo argagaxisada looga hortagayo sidii la isku ogaa balse ay yihiin dagaaladaasi kuwo dano gaara ay ka leedahay Dowladu gaar ahaan Geddo kuwa ka socda.
“anagoo og deegaano ka mid ah Gobolka Geddo inay joogaan alshabaa ayay hadana Dowladu wadaa dagaalo kale oo ay dana gaara oo siyaasadeed ka leedahay halkii ay xoojin lahayd kuwa alshabaab”ayuu mar kale yiri Saciid Dani
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

