MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Sacdiid C/laahi deni ayaa galabta qorax dhicii soo gaaray Magaalada Muqdisho xili lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Adan Abdulle ee Magaalada Muqdisho markii ay ka hortageen masuuliyiin ay xildibaano ku jireen.
Soo dhaweynta waxaa ku jira saaxiibadiisa mucaaradka la ah ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuwaasoo ay isla jaan qaadeen si ay kursiga u ritaan madaxweyne Xassan oo isaguna u muuqan inuu dhawaan doorasho qabanayo.
Sacidi C/laahi Deni waxaa aad loo hadal hayaa inuu u yimid shir u dhexeeya Dowlada Somalia iyo mucaaradka kaasoo looga arinsan doono xaalada kala guurka ah ee Dalku galay iyo sidii looga heshiin lahaa nuuca doorasho ee lagu wado in Madaxweynaha soo socda lagu doorto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
