CARMO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa daboolka ka qaaday in Puntland iskaga filan tahay kuwa nabadda & horumarkeeda kasoo horjeeda sida uu warka u dhigay mar uu maanta la hadlayay ciidamo ka tirsan Puntland oo tababar Milateri looGU soo xirey Xerada tababarka Carmo.
Madaxweynaha Puntland oo ka hor hadlayay cutubyo ciidan si gaar ah loo carbiyey, una tababaran sida Milateriga ayaa sheegay in ay Puntland iskaga filan tahay kuwa nabadda & horumarkeeda kasoo horjeeda, tababarka uu soo xirey Deni waxaa bixiyay ama maalgeliyay Imaaraadka Carabta.
Siciid Dani oo sii sharaxayay kuwa ka soo horjeeda horumarkooda ayaa tilmaamay inay ka mid yihiin wax uu ku sheegay argagaxisada iyo dhinacyada la shaqeysta oo macno badan yeelan karta.
“waxaan ka soo adkaanay qorshayaal isku dulrarnaa oo laga lahaa ujeedooyin guracan oo taabanaya jiritaanka Puntland” ayuu yiri Saciid Deni
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu si sarbeeban u soo hadal qaaday ciidamo uu sheegay inay Puntland ku joogaan magacya kala duwan isagoo carabka ku adkeeyay in kuwaasoo ay ku filan yihiin ciidamada amniga Puntland,Saciid Deni inkastoo uusan si cad u sheegin ciidamada oo soo hadal qaaday hadana waxaa loo fahmi karaa kuwa dhawaan Garoowe ka dhex sheegay inay Dowlada Somalia ka amar qaataan.
“cidna lagama yeeli doono inay Ismadoobayso oo ay magacyo kale duwan gudaha deegaanadan ku dhex joogto, ayna ciidanku kufilan yihiin xaqiijinta amniga ee Puntland, oo aan gorgortan laga galeynin” ayuu yiri Saciid Deni
Dhanka kale Sacidi Deni wuxuu aad u amaanay una mahad celiyay Dowlada Imaaraadka oo uu si cad u sheegay inay Puntland taageereen waqtiya adag sida dagaalka Calmiskaad ee Daacish ay kula jiraan,sidoo kale wuxuu ku amaanay Imaaraadka inay Puntland ka taageeraan dhanka tababarada iyo dibu dhiska ciidamada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMm
