Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa ku hanjabaya inay qabanayaan doorasho hal dhinac ah wixii ka dambeeya 8-da Janaayo 2024, waa haddii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu isku dayo inuu waqti kororsado oo uu ku guuldareysto qabashada doorashada waqtiga dastuurka xeerinayo.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, ayaa ku eedeeyay Deni inuu laaluush u adeegsaday sidii uu Baarlamaanka u aamusin lahaa, isla-markaana uu gadaal ka riixayo muddo kordhin loo sameeyo.

Advertisement

Shire ayaa ku nuux-nuux saday in falkii Baarlamaanka ee Talaadadii uu si cad u jabiyay sharciga. Waxa uu walaac ka muujiyay in Deni uu doonayo inuu ku maamulo Puntland siduu rabo, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta falalkaasi.

Shalay oo Talaado ahayd, Baarlamaanka Puntland ayaa isku raacay in wax ka bedel lagu sameeyo qodobo gaar ah oo ka mid ahaa dastuurkii hore ee ku saabsanaa aqoonsiga axsaabta siyaasadeed ee Puntland.

Isbeddelka ugu weyn ee doodda dhaliyey ayaa ah qodobka sheegayey in saddex xisbi ay ka qeyb galayaan doorashada. Hadda, sagaal xisbi siyaasadeed ayaa loo oggolaan doonaa inay ka qaybgalaan.

Deni oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo madaxda dowladda federaalka ayaa wajahaya mucaaradad ka dhex aloosan Puntland oo ku aadan arrinta doorashada madaxweynaha ee madaxda maamul goboleedyada.

Tan iyo markii la aas-aasay, doorashadda Puntland ayaa muddo xileed kasta waxa ay dhaceysay 8-da Janaayo 2024- ka. Hase ahaatee, Deni oo doonaya in uu xukunka sii joogo waxa uu doonayaa inuu kursiga baaqi kusii ahaado si uu mar kale ugu ordo xilka madaxtinimada Soomaaliya 2026 taas oo sanadkii 2022-dii kusoo fashilmay.

Previous articleCiidamada Niger oo telefishanka dalkaas kaga dhawaaqay afgembi kaddib markii ay xireen Madaxweynaha dalka
Next articleQarax gil gilay Dalka Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here