HomeWarkiiSaciid Deni oo Puntland ku laabtay iyo saaxiibadiisa mucaaradka oo sagootin u...

Saciid Deni oo Puntland ku laabtay iyo saaxiibadiisa mucaaradka oo sagootin u sameeyeen

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo saaxiibadiisa Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ku sagootiyeen garoonka ka hor inta uusan raacin diyaarada.
Siyaasiyiinta garoonka la tagay ee sagootiyay waxaa ka mid ah Xasan Cali Khayre,Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan C/shukuur Warsame kuwaasoo dhamaantood ay iskala tirsan yihiin Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Dib u laabashada Saciid Deni ayaa timid kadib markii uu shalay fashilma shirkii u socday Dowlada Somalia iyo mucaaradkeeda iyadoo Dani iyo Shariif ay matalayeen mucaaradka halka Dowladana ay ka socdeen Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaare xigeenka Saalax Jaamac
Mucaaradka ayaa aad uga carooday go’aanka Madaxweyne Xasan uu shalay ku dhawaaqay markii uu sheegay in Dowladiisa loogu daray hal sano oo dheraad ah lamana oga sida xaalku noqon karo sanad kadib iyo ka horba mar hadii uuna jirin heshiis ka dhexeeya dhinacyada kursiga isku haya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -