GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Soomaaliyeed Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo ku xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Luagatoor, ayaa maanta Madaxtooyada Garowe waxay kulan wadatashi iyo is-xogwareysi ah kula yeesheen haldoorka Puntland sida lagu shaaciyay boga rasmiga ah ee Puntland.
Kulankaan waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Amniga iyo Siyaasadda, iyo doorka Puntland ee Dowladd dhiska Soomaaliya,Sidoo kale waxay kaga wada hadleen aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Sacidi Deni sheegay in Puntland ay xaalad adag wajaheyso markii dhawaan Maamulka Somaliland soo bandhigay qariidad muujineysa inay dhulka Puntland ku darsadeen dhulka ay sheeganayaan inay iyagu maamulaan ilaa Boosaaso ilaa Garowe.
“Dhulka Somaliland ay sheeganeyso 50% anagaa leh,mana aqbaleyno sheegashadaasi” ayuu yiri Saciid Deni inkastoo ereyadaan aaan lagu soo darin warbixinta ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
