GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxwenaha Maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulkiisa ayaa sheegay in talaabadii maanta qaaday Dowlada Somalia ay ahayd shirqool isku day dil ahaa oo lala damacsanaa askartii diyaarada saarna.
Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa war ay maanta arintaasi ka soo saareen waxay si weyn u cambaareeyeen talaabada ay maanta qaaday Dowlada kaasoo ay hawada kaga celiyeen laba diyaarad oo ay la socdeen ilaalada Madaxda Maamulada Jubaland iyo Puntland.
Hadana halkaan ka daawo hadalada kulul ee Saciid Deni :-
