Xili saacadihii la soo dhaafay uu kala diray maamulkii Golaha degaanka ee ka dhisnaa Boosaaso Madaxweyne Deni, ayuu Caawa waxa uu u magacaabay Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) in uu  si ku meelgaar ah ugu  u Noqdo  guddoomiyaha degmada Boosaaso.

Mas’uulkan la magacaabay caawa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) ayaa horay  u ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Puntland.

Dhinaca kale e Axmed Nuur Huruuse ayaa si ku meelgaar ah loogu magacaabay guddoomiye ku-xigeenka degmada Boosaaso.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa maalin ka hor shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa asna saacadihii la soo dhaafay saxaafada u sheegay in uu ka tagay Xilkaas, uuna uga mahad Celinayo Madaxweynaha Puntland siciid Deni.

Arintaan ayaa waxay ku soo aadaysa Xili Madaxweyne Deni uu manta  kala kala diray golohii degaanka Degmada Boosaaso.

 

 

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here