GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka furay kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiilada Baarlamaanka Puntland,wuxuuna khud-badiisa ku soo qaatay arimo kala duwan sida dagaalka ciidamada maamulkiisu kula jiro dagaalamayaasha Daacish.
Saciid Dani mar uu ka hadlayay Daacish wuxuu sheegay inay ka guuleysteen isagoo xusay in markii dagaalku bilaabanayay ay ajaanibtu dhamaayeen 2 kun dagaal-yahanada balse ciidamadoodu ay intooda badan ka adkaadeen marka laga reebo waxyar oo ka soo haray sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu si weyn khud-badiisa ugu amaanay Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Ciiro, wuxuuna ku amaanay doorkiisii nabadaynta Gobolka Sanaag iyo shirweynihii Nabadda ee uu dhigay Ceerigaabo.
Sidoo kale Saciid Denio wuxuu soo jeediyay in dhamaan nabada Gobolka Sanaag laga qeybqaato walow uusan soo hadal qaadin maamulka Waqooyi bari oo xuduud la leh Somaliland islamarkaana ay quseyso hadii sanaag Nabad loo raadinayo.
Dhanka kale mar uu ka hadlayay xalada guud ahaan dalka iyo waqtiga Madaxweyne Xasan ee gabaabsiga ah ,wuxuuna sheegay Puntland marna aqbalayn firaaq dastuuri ah iyo lagu xad-gudbo dastuurka
“Puntland ma ogolaanayso firaaq dastuuri ah, mana aqbalayno in la jebiyo shuruucda dalka, Golaha Mustaqbalna wuxuu u taagan yahay badbaadinta dalka”ayuu yiri Sacidi Deni
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

