Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Amniga Maamulkiisa Cabdisamad Maxamed Gallan ka dib wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.
Qoraal ka soo baxay Xafiisk Saciid Deni ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.”
“Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay: Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xilka ka qaaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta dowlad Gobaledka Puntland Cabdiweli Mire Xirsi.
Xil ka qaadista uu sameeyay Saciid Deni ayaa lagu sheegay sababta rasmiga ee xilka looga qaaday labadaas wasiir balse xil ka qaadistaan ayaa ku soo beegmaysa xilli laba cesho ka hor mid ka mid Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland lagu jirdilay Magaalada Garoowe.