HomeWarkiiSaciid Deni "Somalia Dowladnimadeedii baa hadal ku jiraa waa laga quusan rabaa,in...

Saciid Deni “Somalia Dowladnimadeedii baa hadal ku jiraa waa laga quusan rabaa,in maanta dalka la kala jaro waa siyaasad xumi ka timid Dowlada”

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa eedeymo u jeediyay Dowlada Somalia isagoona sheegay in siyaasad xumideeda ay keentay in maanta la dhaho dalkii baa la kala jarayaa isagoo ula jeeda aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

“Somalia Dowladnimadeedii baa hadal ku jiraa waa laga quusan rabaa,in maanta dalka la kala jaro waa siyaasad xumi ka timid Dowlada” ayuu yiri Saciid Deni

Mar uu ka hadlayay shirkii ay ugu baaqeen inuu qabto Madaxweybe Xasan ayuu cadeeyay inuu ka qeybgalayo haduu qabto Madaxweynuhu  balse hadii uu diido wuxuu sheegay inay howshooda wadanayaan madaama awal maamul ahaayeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxda Dowlada Somalia aysan maanta u banaaneyn inay midnimo kla hadlaan madaama dastuurka heshiiska lagu ahaa ay bur burburiyeen sida uu warkiisa u dhigay Saciid Deni

“Dawladda Soomaaliya ee hada jirta, kama shaqaynayso midnimo qaran kumana shaqaynayso dastuur, ma in la is caayo baa midnimo lagaga shaqaynayaa, waxaas Puntland kama qayb noqonayso” ayuu yiri Saciid Deni.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -