Garoowe : 01 November 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Bulshada Gobolka Nugaal kala qeybgalay kulan wacygelin ah oo ku saabsan Booliiska iyo bulshada, iyadoo caasimadda Garoowe ay kusoo wajahanyihiin Ciidanka Booliska cusub ee dhowaan kasoo baxay kulliyadda tababarka Booliiska ee Carmo.
Saciid Deni wuxuu goobta ka cadeeyay in ciidamadaasi cusub la wareegio doonaan amaanka guud ee Magaalada Garowe islamarkaana laga sugayo inay wax badan wax ka badalaan amaanka magaaladaasi caasimada u ah maamulka Puntland.
Munaasabadda oo ka dhacday fagaaraha Jaamacadda PSU, waxaa kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda, La-taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiisha Ciidanka Booliiska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , Isimada, Haweenka , Dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimada Garoowe.
Dowladda Puntland ayaa dejisay qorshaha horumarinta Booliiska, waxaana hadda diyaarsan 500 oo Ciidan Booliis cusub ah kuwaasi oo dhowaan howlgelaya, sidoo kale waxaa jira 500 oo kale oo iyana dhowaan tababar u furmay, isbedelka ku socda Booliiska Puntland wuxuu horseeday in dhallinyaradii waxbarashada dhameysatay oo ay ku jiraan kuwo heer Jaamacadeed ah ay maanta ka midyihiin Ciidanka cusub ee la tababaray.
– DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


















