HomeCiyaarahaSacuudiga oo lacag waalli ah u diyaarinaya qorshe cusub ay kula wareegayaan...

Sacuudiga oo lacag waalli ah u diyaarinaya qorshe cusub ay kula wareegayaan Vinicius Jr

XIGASHO LAACIB.NET

Saudi Arabia oo Diyaarinaysa Dalab Cusub oo €350 Milyan ah oo ay ku Doonayso Vinicius Jr xilli wadahadaladii qandaraaskiisa Real Madrid ay istaageen.

Dalka Saudi Arabia ayaa la sheegayaa in uu diyaarinayo dalab cusub oo gaaraya €350 milyan si uu u helo saxiixa weeraryahanka Vinicius Junior, sida uu warinayo weriyaha Ben Jacobs ee talkSPORT.

Madaxda kubadda cagta ee Sacuudiga ayaa si dhow ula socday wadahadaladii qandaraas kordhinta ee u dhexeeya Real Madrid iyo Vinicius, kuwaas oo haatan si buuxda u istaagay.

Vinicius wuxuu doonayaa inuu sii joogo Santiago Bernabéu, laakiin waxa uu dalbanayaa mushahar dhan €30 milyan sanadkii, taasoo ka dhigeysa ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa diiddan in ay la jaanqaaddo dalabka mushaar ee xiddiga reer Brazil, arrintaas oo sababtay in wadahadaladii labada dhinac ay burburaan.

Vinicius Jr ayaa haatan kula jira Real qandaraas soconaya illaa 2027, balse weli si buuxda uma uusan diidin suurtagalnimada uu ugu wareegi karo horyaalka Sacuudiga haddii xaaladdu sidan kusii socoto.

Haddii Real Madrid aysan haatan iibin Vinicius, qiimaha suuqa ee laacibka ayaa si weyn hoos ugu dhici doona sanadka 2026, marka uu galo sannadkiisii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa.

Waxaa muuqata in xilli uu mustaqbalka Vinicius shaki galay, Sacuudigu diyaar ayuu u yahay inuu qasnadaha u jebiyo si uu u keeno xiddig kale oo caan ah horyaalkooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -