Ciyaartoyda xulka qaranka Faransiiska ayaa cunsurinimo kala kulmay baraha bulshada kadib guuldaradii finalka koobka adduunka ee ka soo gaartay xulka qaranka Argentina.

Seddex ciyaartoy oo ka tirsan xulka qaranka faransiiska asal ahaana madow ah ee kala ah Aurelien Tchouameni, Kingsley Coman iyo Randal Kolo Muani, kuwaas oo dhammaantood kasoo muuqday ciyaartii finalka ee axadii ayaa ciwaanada ay ku leeyihin baraha Instagram iyo Facebook ka helay fariimo cunsuriyeysan oo aad u fool xun oo lagu caynayo seddexda ciyaartoy sida ay qortay The Athletic.

Aurelien Tchouameni iyo Kingsley Coman ayaa labaduba qasaariyay rigooreyaal, halka Randal Kolo Muani uu lumiyay fursad uu ciyaarta ku badin karay waqtigii dheeriga ahaa.

Shirkadda Meta oo leh baraha Instagram, Facebook iyo WhatsApp ayaa cambaareysay qoraallada aflagaadada ah ee ka dhanka ah seddexda ciyaartoy, waxayna sheegtay in ay fariimahaas meesha ka saari doonto.

Dhanka kale Kooxda FC Bayern München ayaa si adag cambaareysay hadalada cunsuriyadda ah ee lagula kacay Kingsley Coman oo ka tirsan Bayern München, waxayna intaas ku dartay in Cunsuriyadu aysan boos ku lahayn ciyaaraha iyo bulshada dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here