Saddex haween ah oo u shaqeynayay xarun TV ah oo ku taal magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan ayaa la toogtay, weerarkan ayaa ah kii ugu dambeyay ee mowjadaha dilalka qorsheysan ah ee lala bartilmaamedsanayo shaqaalaha dowladda, siyaasiyiinta, wariyaasha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.

Wararku waxay sheegayaan in haweenkan oo da’doodu u dhexeysay 18-20 jir lagu dilay laba weerar oo kala duwan. Mid afraadna dhaawac culus ayaa soo gaadhay.

Booliska ayaa sheegay inay xireen ninka hogaaminaya weerarka, iyagoo ku tuhmaya in uu ka mid yahay Taliban. Hase ahaatee kooxda ayaa beenisay inay ku lug leedahay falkaasi.

Saddexda haween ah ee la dilay ayaa dhawaan dhameeyay dugsiga sare waxayna ka shaqeynayeen TV-ga gaarka loo leeyahay ee Enikas TV, sida uu sheegay madaxa Tv-gaas Zalmai Latifi.

 

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Associated Press, Mursal Wahiidi ayaa waxaa soo weeraray kooxo hubeysan xili ay ku sii jeeday gurigeeda.

Labada qof ee kale – oo magacyadooda kaliya lagu sheegay Shahnaz iyo Sadia – ayaa lagu diley dhacdo gooni ah, xilli ay u socdeen guryahooda.

“Dhammaantood waa dhinteen. Xafiiska ayay ka soo baxeen guryahooda ayay ku labanayan iyagoo lugeynaya markii la tooganayay,” ayuu yiri Mr Latifi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

 

Haweeneyda dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaal halkaas oo lagu dabiibayo sida uu sheegay afhayeen dolwadda u hadlay oo wakaalada wararka ee AFP soo xigatay.

Booliska ayaa wali raadinaya ragii kale oo weerarka soo qaaday ka dib markii ay xireen ninka hogaaminayay weerarka, sida uu shegeay Taliyaha booliska Nangarhar Juma Gul Hemat.

“Waxaan qabanay isaga oo isku dayaya inuu baxsado,” ayuu yiri Mr Hemat. “Wuxuu qirtay inuu isagu weerarka qaaday. Waxaa uuna ka tirsanyahay Taalibaan.”

Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii labo haween oo garsooreyaal ah kana tirsanaa Maxkamadda ugu Sarreysa Afghanistan la dilay.

Waxaa dilay rag aan la garaneyn xilli ay shaqadooda ku sii socdeen.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo xukuumada Washington uu ciidamada Mareykanka ka saarayo dalkaas – iyadoo keliya 2,500 ay hareen.

Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan ayaa BBC-da u sheegay in ka saaridda ciidamada Mareykanka ee dalakas ay horseedeyso rabshado dheeraad ah.

 

 

 

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here