HomeCiyaarahaSaddex koox oo Premier League ka dhisan oo si rasmi ah u...

Saddex koox oo Premier League ka dhisan oo si rasmi ah u xaqiijiyay boosas kooda Champions League

XIGASHO LAACIB.NET

Saddex koox oo ka tirsan Premier League ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay boosas kooda Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Manchester United ayaa noqotay kooxda saddexaad ee xaqiijisa booskeeda, kaddib guul xiiso leh oo 3-2 ah oo ay ka gaartay Liverpool Axaddii. Goolka guusha waxaa u dhaliyay Kobbie Mainoo.

Liverpool ayaa si fiican ugu soo laabatay ciyaarta, iyadoo Dominik Szoboszlai iyo Cody Gakpo ay baabi’iyeen hoggaankii 2-0 ahaa ee United qeybtii hore, balse ugu dambeyn kooxda martida loo ahaa ayaa guusha xaqiijisay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in United ay gaartay 64 dhibcood, taasoo u dammaanad qaadaysa ugu yaraan kaalinta shanaad ee kala sarreynta.

Waxay ku biireen Arsenal iyo Manchester City, kuwaasoo horey u xaqiijiyay boosaskooda Champions League.

Dhanka kale, Liverpool oo la dhibco siman Aston Villa, weli waxay haystaan fursad ay ku xaqiijin karaan u soo bixitaankooda kulamada ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka.

 

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -