Hargeysa (dayniiile.com) Waxaa Magaalada Hargeysa ka dhacay kulan u dhexeeyay masuul ka socday Safaarada Dalka Mareykanka iyo Madaxweynaha Maamulka Somliland Muuse Biixi Cabdi.

Shane Dixon oo ah ku simaha safiirka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya  iyo Madaxweyne Muuse Biixi waxay ka wada hadleen arimo kala duwan sida amniga iyo doorashooyinka Madaxtinimada Maamulka Somailand.

Advertisement

Safiirka wuxuu soo dhaweeyay isfahamka dhawaan dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka kasoo la xiriiray doorashooyinka  ayna soo agaasimeen odayasha dhaqanka reer Somaliland.

Danjire Shane Dixon mar uu soo hadal qaaday arinta Laas-caanood ayuu muujiyay sida Mareykanku u jeclaan lahaa in arintaasi iyadana wada-hadal lagu dhameeyo.

Danjiraha Mareykanka intii uu joogay Hargeysa wuxuu sidoo kale kulamo la qaatay ururada Bulshada iyo madaxda Xisbiyada UCID iyo Wadani.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Muse Bihi Abdi - Wikipedia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here