Safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo war kasoo saartay kulanka maanta u furmay dowladda dhexe iyo hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubbalan

0

Safaaradda ay dowladda Mareykanka ku leedahay Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulanka maanta u furmay dowladda dhexe iyo hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen twitter-ka ayey ku bogaadiyeen kulanka maanta furmay, waxeyna sidoo kale ku amaaneen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo gogoshii uu dhigay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo qorshaha uu kasoo bilowday.

Sidoo kale safaaraddu waxey qoraalka qeybtiisa dambe ku sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay dhameystiraan heshiiska ku saabsan is-afgarad.

“Mareykanka wuxuu ku faraxsan yahay in Villa Soomaaliya ay hogaamiyayaasha maamul goboleedyada isugu keento Muqdisho. Waxaan Mr. Qoorqoor uga mahad naqeynaa hogaamintiisa geedi-socodkii dhuusamareeb 3, Hogaanka ay Soomaaliya u baahan tahay. Waxaan ku dhiirigalineynaa Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyada iney dhameeyaan mabaadi’da heshiis ku saabsan sal-ballaaran oo loo dhan yahay” ayaa lagu qoray barta twitter-ka safaaradda dalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Si kastaba dowladda Mareykanka waxey muujineysaa doorka ay ku leedahay xal u helidda in Soomaaliya ay si hufan uga baxdo xilliga kala guurka, waxaana wali si lagu wada qanacsan yahay looga heshiinin hanaanka doorashada.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here