Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa ka warcelisay xukun ay ku ridday Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi kaddib markii Shirkadda Dhismaha ee Kingsley Construction Limited oo ku doodday in looga baxay heshiis ay qandaraas ku qaadaneysay dib u dhiska safaaraddaas.

Maxkamadda ku taalla Nairobi ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya lagu xukumay lacag dhan 23 Milyan oo Shillin oo ah lacagta dalkaas si ay magdhaw ahaan ugu hesho maadaama looga baxay qandaraaskii ay qaadan rabtay sida hadalka loo dhigay.

Advertisement

Go’aankaas waxaa kahor yimid Maxkamadda Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Xabiib Maxamed Cigaal oo sheegay iskaba daayee xukunka in aanay lala socodsiin dhageysiga Eedaha loo gudbiyay Maxkamadda.

Xabiib ayaa tilmaamay in keliya go’aankaas iyo xukunka Maxkamadda ay ka arkeen Warbaahinta, waxa uu waxba kama jiraan ka dhigay in Safaaradda ay heshiis af ama qoraal ah midkood la gashay shirkadda dacwadda ku xusan.

Shirkaddaan qaabilsan dhismaha ayaa tan iyo 2019kii waxa ay dacwad la daba-joogtay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dib u dhis lagu sameeyay, halka bishii November 2020 uu xariga jaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad.

Previous articleXiisad culus oo ka taagan degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe goob garoon laga dhisi lahaa.
Next articleCiidamo howlgal ka sameeya Magaalada Baladweyne xilli weli uu jiro khilaaf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here