HomeWarkiiSafarka qarsoodiga ah ee Saciid Deni ku tagay Gaakacyo iyo hubkii reer...

Safarka qarsoodiga ah ee Saciid Deni ku tagay Gaakacyo iyo hubkii reer Diyaano oo la isku heysto 

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya safar qarsoodi ah oo uu Gaalkacuo saaka ku tagay Hogaamiyaha Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland xii uu xalay safar uga soo baxay Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland.

Warar ku dhaw dhaw socdaalka Saciid Deni ayaa sheegaya inuu kulamo Gaalkacyo kula qaadan doono masuuliyiinta magaaladaasi iyo saraakiisha ciidamada madaama dhawaan xeradii PSF lagala  baxay hub badan islamarkaana ay shacabku bililiqeysyeen.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Saciid Deni ay xaaladu ku xuntahay markii Odayaasha reerka uu ka soo jeedo Maxamud Diyaano ay ku wargeliyeen Saciid Deni in xerada PSF, wixii hanti iyo hub yaalay si nabad ah loogu wareejiyay Maamulka Puntland balse ay dhacday in la bililiqeystay sidaas daraadeedna la iska rabo hubkaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -